U bood dhigaalka

Markab Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Koox dhallinyaro Soomaali ah, laguna sheegay iney yihiin burcad badeed ayaa qafaashay markab weyn oo ganacsi, kaasi oo ku safrayey calanka dalka Imaaraadka Carabta.

Saraakiil dhanka ammaanka ah ayaa waxay sheegeen in markabkaan laga qafaashay xeebaha maamulka Puntland, waxaana lala aaday sida la sheegay dhanka degmada Caluula ee gobolka Bari.

Dadka ku dhaqan degmada Caluula ayaa sheegaya in markabkaan ay soo qabteen dhallinyaro kalluumeysato ahaa, kuwaasi oo dhibaato badan kala kulmay maraakiib xaaluf ku haya xeebaha dalka.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay u amba baxeen halka lagu hayo markabkaan, si wada hadal ula galaan kooxda haysata.

Markabkaan ayaa sida shidaal, wuxuuna afduubkiisa imaanayaa xilli sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhacay afduubka ay kooxaha burcad badeedda kula dhaqaaqayeen maraakiibta shisheeye.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News