U bood dhigaalka

Markab Marayey Xeebaha Soomaaliya Oo Ka Badbaaday Isku Day Qafaal

Sheeko:Amniga

Koox la sheegay iney ahaayeen Burcad Badeed Soomaali ah ayaa ku guul darreystay iney qafaashaan markab laga leeyahay Hong Kong, kaasi oo marayey meel ku dhow biyaha Soomaaliya.

Rag dhallinyaro ah oo watey doon dheereysa islamarkaana haystay qoryaha AK-47 ayaa la xaqiijiyey in Arbacadii aynu kasoo gudubney weerar ku qaadeen Markabkaan, balse ay la kulmeen iska caabin.

Markabkan ayaa marayey meel 340 nautical miles u jirta Magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey iney badbaadeen shaqaalaha iyo dhammaan agabkii saarnaa markabkaasi.

IMB oo la socota dhaq-dhaqaaqyada Burcadda Badda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in markabkan uu galay halis weyn, balse ugu dambeyn iska caabin ay sameeyeen ciidankii saarnaa ay ku guuleysteen iney badbaadiyaan markabkaasi.

Dhanka kale, saraakiisha midowga Yurub ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in lagu guuldarreystay in la qabto burcaddii weerarkaasi ka dambeysay.

Waa weerarkii Labaad oo sanadkaan ka dhaca xeebaha dalka oo ay Buracadda badaha ku qaadaan Maraakiib islamarkaana guul darreysta.

Goobjoog News