U bood dhigaalka

Markabka Qaxootiga Yemen Soo Daabulaya oo Dekadda Muqdisho Lagu soo Bandhigay (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Markabkii lagu waday in uu aado Yemen si uu usoo daabulo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Yemen ayaa maanta kusoo xirtay magaalada Muqdishu.

Munaasabadda lagu soo bandhigay Markabka waxaa kasoo qeybgalay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka  Warfaafinta, Sahra Maxamed Cali Samatar Wasiiradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha iyo Nuur Faarax Xirsi Wasiiradda Dekedaha & Gaadiidka Badda.

Waxaa kaloo kasoo qeyb galay Mas’uul Jubba Training oo shirkadda ku tabarucday Markabka, mas’uul u hadlay shirkadda ayaa sheegay in markabka uu dadka Soomaalida ah geyn doono magaalooyinka  Berbera, Muqdishu, Boosaaso iyo Jabuuti.

Mas’uulka ayaa intaa raaciyay in Markabkan aanu nasan doonin in inta Qaxooti Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin dalka Yemen, Markabka waxaa uu tagi doonaa Muqa, Mukallah iyo Cadan.

Dhinaca kale, Mas’uuliyiinta gudiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga ayaa goobta ku sugnaan, waxaa hor kacayey Gudoomiyaha gudiga Sheekh Nur Baaruud Guraxan, Sheekha ayaa ugu mahadceliyay shirkadda Jubba sida xilkasnimada leh ee arintan uga shaqeeyeen, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay go’aanka shirkadda oo ah in Markabka uu ku laalaaban doono Yemen.

Dadkii goobta isugu yimid ayaa kusoo wareegay Markabka, oo weli ay ku sucoto dib u habeyn iyo dayactir, waxaana la filayaa in uu baxo 48 saac ee soo socota.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

DSC04156

DSC04159

DSC04166

 

 

DSC04242 DSC04241 DSC04240 DSC04239 DSC04238 DSC04237 DSC04228 DSC04218 DSC04217 DSC04216 DSC04213 - Copy DSC04209 DSC04201 DSC04203 DSC04194 DSC04192 - Copy DSC04261 DSC04193