U bood dhigaalka

Markab Soo Qaadaya Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Oo Muqdisho Ka Shiraacday

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa saaka ka shiraacday Markab dhawaan uu ku yaboohay ganacsade Cabdi Cali Faarax kaasi oo lagu soo daabuli doono Soomaalida ku dhibban dalka Yemen.

Markabkaan oo ay La socdaan Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News ayaa badda kusii jiri doona maalmo dhan 4 ilaa iyo 5 maalin, waxaana la socda shaqaale dhanka caafimaadka ah.

Markabkaan ayaa soo qaadi doona dad tiradoodu ka badan tahay Kun ruux, waxaana saaran raashiin, biyo, dawo iyo joodariyaal si dadka aysan dhibaato kale usii dareemin inta safarka ay soo yihiin.

Dadaalkaan iyo gurmadkaan ayaa ka dhashay barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo ay bilawday Goobjoog News, ka dib markii ay ka damqatay xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen Joogta.

Waxa ay taasi keentay in la helo shacab u damqada dadkaasi dhiban, iyo in la helo guddi madax banaan oo culimo iyo bulshada ka kooban, kaasi oo dhaqaale uruurin bilaabay.

Hadaba meel walba oo markabkaasi marayo ayeey Goobjoog News idiin soo gudbin doontaa iyo xaalad walba oo ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee Yemen, waxaana wariyaasheena saaran Markabka ay daqiiqad walba soo gudbin doonaan wax walba oo isbedal ah.

 

DSC04226 DSC04223    DSC04193

Goobjoog News