U bood dhigaalka

Markabka Nawaal 3 Oo Boosaaso Kusoo Xirtay

Sheeko:Dalka

Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari waxaa kusoo xirtay Markabka Nawaal 3 oo uu ku yaboohay Ganacsade Cabdi Faarax , kaasi oo dad Soomaaliyeed kasoo qaaday dalka Yemen.

Markabkaan ayaa maqribkii xalay soo gaaray Dekadda Magaalada Boosaaso, waxaana saaran dad tiro ahaan gaaraya 2-kun oo qof, kuwaasi oo ka mid ah Soomaalida Yemen ku dhibban.

Dadka Markabkaan uu keenay ayaa u badan Haween iyo Caruur, waxaana saaka la bilaabayaa dejintooda, ay xilli dambe yimaadeen.

Markabka waxaa la socda  wariyaal ka mid ah Goobjoog News, kuwaa oo magaalada Muqdisho ka raacay markabka oo la tagay Yemen, lana socda xilligaan uu kusoo xirtay Boosaaso.

Yemen waxaa ka soconayo dagaallo saameyn ku yeeshay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo xaalad ahaan aad u liita una baahan caawinaad intaan ka badan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News