U bood dhigaalka

Markabka Nawaal 3 Oo Ka Shiraacday Dekadda Boosaaso Si Uu Usoo Qaado Soomaali Ku Dhibban Yemen

Sheeko:Dalka

Markabka Nawaal 3 ayaa goor dhaw waxa uu ka shiraacday dekadda Magaalada Boosaaso, isaga oo kusii jeeda dalka Yemen oo dagaallo ay ka socdaan.

Markabkaan waxaa la socda wariyayaal ka tirsan Goobjoog News, kuwaasi oo kala ah Maxamed Salaad Cismaan iyo Aweys Aar, waxaana la filayaa in kumanaan Soomaali ah kasoo qaado Yemen.

Wariye Aweys Aar ayaa soo sheegay in markabkaan la saaray Biyo caagadeysan, Buskut, Timir, Kalluun, Caano, Bustooyin, iyo Joodariyaal, si dadka marka lasoo qaado aysan dhibaato u arag.

Sidoo kale markabkaan waxaa la socda bahda caafimaad oo 7 xubnood ah, mana jirto mas’uul ka tirsan dowladda oo horay usii raacay.

Markabka Nawaal 3 waxaa ku yaboohay Ganacsade Cabdi Faarax oo ugu tala galay in lagu soo badbaadiyo Soomaali badan oo ku dhibban wadanka Yemen, waxaana dad ka badan 2 kun uu kasoo qaaday Dekadda Mukalla, isaga maantana dib u laabtay si dad kale uu usoo qaado.

Goobjoog News ayaa bilawday 23-kii April Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar, kaasi oo loogu talagalay in bulshada Soomaaliyeed lagu baraarujiyo si ay ugu gurmadaan walaalahooda ku dhibban Yemen, taasi oo ka dhalatay gurmadka maanta socda.

Goobjoog News