U bood dhigaalka

Markabka Nawaal 3 Oo Kasoo Shiraacday Dekadda Mukalla Ee Yemen

Sheeko:Dalka

Markabka Nawaal 3 oo wada Soomaali badan ayaa saaka kasoo amba baxay dekadda Mukalla ee dalka Yemen, kaasi oo ay la socdaan wariyayaal ka mid ah Goobjoog News.

Markabka ayaa wada dad ku dhaw Seddax Kun oo qof, kuwaasi oo laga soo badbaadiyay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Wariyaheena Maxamed Salaad oo aynu kula xiriirnay qadka taleefanka ayaa soo sheegaya in dadkii ku sugnaa dekadda Mukalla lasoo wada qaaday, islamarkaana dadka ay wataan agabkooda.

Kabtanka Markabka oo uu la hadlay waxa uu u sheegay in magaalada Boosaaso ay kusoo wajahan yihiin, sidoo kalena ay soo socon doonaan muddo 26-saacadood ah.

Markabka waxaa saaran dhaqaatiir ku howlan sidii ay ula socon lahaayeen xaaladda caafimaad ee dadka saaran markabkaasi, waxaana dadka halkaasi u saaran sahay raashiin ah oo magaalada Boosaaso laga saaray.

Dr Cabdiraxmaan Cali Cabdiraxmaan oo horkacayay dhaqaatiirtaan ayaa u sheegay Goobjoog News in Markabka ay saaran yihiin Laba Haween ah oo xaamilo ah, walibana bilaha dhalmada loogu tala galay dhameystay, balse aanay muuqan calaamadaha foosha, kuwaasi oo il gaar ah lagu haayo.

Sidoo kale markabka waxaa saaran Umuliso Shamso iyo xubno kale oo Afar ah, kuwaasi oo loogu tala galay in ay dhaliyaan haweenka uurka leh, hadii xilligooda la gaaro.

Waxaa markabka oo dhan lagu xiray Marawxado (Qaboojiyayaal) loogu tala galay in dadka inta ay safarka soo yihiin aysan arag wax kuleel.

Markabka Nawaal 3 waxaa ku yaboohay ganacsade Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale jirta muwaadiniin kale oo qarashaad dhiibay si shacabkaasi loo soo badbaadiyo.

Goobjoog News oo ka damqatay dhibaatada dadka Soomaaliyeed ee Yemen ayaa 23-kii April kaasi oo shacabka lagu baraarujinaayo, waxaana taasi ay keentay in gurmadkaan la fidiyo shacabkana ay isku gurmadaan.

Goobjoog News