U bood dhigaalka

Markabka Nawaal 3 Oo Yemen Kasoo Qaadaya Soomaali Badan

Sheeko:Dalka

Markabka Nawaal Seddax oo uu ku yaboohay Ganacsade Soomaaliyeed ayaa in ka badan Shan Cisho waxa uu ku sugan yahay Dekadda Magaalada Mukalla ee Yemen, halkaasi oo ay soo gaareen Soomaali Naftooda kala soo baxsatay dagaallada ka socda Yemen.

Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeysay oo Markabka lagu soo raraayay, waxaana la filayaa in markaan ay soo baxaan Soomaali ka badan 2-kun oo qof.

Wariyayaasheena Maxamed Salaad Cismaan iyo Aweys Aar ayaa soo sheegaya in Dekadda Mukalla ay kusoo qulqulayaa muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, halkaasina laga dareemayo qaban qaabada loogu jiro badbaadinta dadkaasi.

Dadka ku sugan Mukalla waxaa ka muuqanaysa xaalad adag oo dhanka Nolosha ah, waxaana dadkaasi ay doonayaan in si nabad ah dalkooda loogu soo celiyo.

Yemen waxaa ku go’doonsan muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u baahan in laga caawiyo keenista dalkooda hooyo.

Goobjoog News oo ka damqatay dhibaatada ay ku sugan yihiin dadkaasi Soomaaliyeed ayaa bilawday Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar, kaasi oo mira dhalkiisa noqday gurmadka xoogan ee haatan socda.

Goobjoog News