U bood dhigaalka

Markabkii Lagu Qafaashay Xeebaha Puntland Oo Lasii Daayay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in raggii qafaashay markab shidaal oo kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho ay fasaxeen markabkaasi.

Raggan ayaa la sheegayaa in xalay saqdii dhexe ay ka dageen markabkaan, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta ay kusii daayeen markabkaasi.

Saraakiisha ciidamada Puntland ee dhanka badda ayaa xaqiijiyey in hadda markabkaasi ay gacantooda ku hayaan, ciidamadii saarnaa ee wax qafaashayna ay si nabad ah uga degeen markabkaasi.

Shalay waxaa iska horimaad kooban uu dhexmaray ciidamada bada Puntland iyo sidoo kale raggii haystay markabkaasi, hase ahaatee waxaa jirey wada hadallo ay wadeen qaar kamid ah waxgaradka Puntland.

Isniintii lasoo dhaafay ayeey ahayd markii rag sheegay iney yihiin kalluumeysato carreysan ay qafaasheen markabkaan shidaan oo magaalada Muqdisho kusoo socday.

Goobjoog News