U bood dhigaalka

Markabkii Qaadi Lahaa Ciidamada Mareykanka oo Soomaaliya Yimid, Akhriso Sida Loo Daad-gureynayo

Sheeko:Dalka

Markabka USS Makin ee qaadi lahaa ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya ayaa la sheegay inuu soo gaaray Soomaaliya.

Markabkan oo ay doommo kale saaran yihiin ayaa waxaa uu yimid 16 maalin uu kadib markii amar ku bixiyey madaxweynaha  Donald Trump in ciidamadiisa laga soo saaro dalka Soomaaliya.

Ciidamada militariga Mareykanka ayaa waxaa ay maraakiibta badda keeneen xeebta Soomaaliya si daad guriyeeyo ilaa 700 oo askari oo ka tirsan ciidamada dhulka, kuwaas oo sanado badan joogay gudaha Soomaaliya.

Major General Dagvin Anderson, oo madax ka ah hawsha daad gureynta ayaa sheegay in xilliga kala guurka ay taageeri doonaan saaxiibada ayna badbaadin doonaan ciidankooda.

On December 4, madaxweyne Trump ayaa amar ku bixiyey in ciidamada  Africom laga soo saaro horraanka 2021.

Waxaa kale, oo uu amar ku bixiyey in ciidamo laga soo saaro dalalka Afghanistan iyo Iraq, kuwaas oo gaaraya 2,500.

Goobjoog News