U bood dhigaalka

Marocco Oo Diyaarad Dagaalk Ku Weysan Dalka Yemen

Sheeko:Dalka

Dalka Morocco ayaa sheegay in uu la’yahay mid ka mid ah diyaaradihiisa f16, taas oo ka qeyb qaadaneysay duqeynta uu Sacuudiga horkacayo ee dalka Yemen.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in diyaaradda Xabado dhulka looga soo riday xilli ay duqeyn ku jirtay, Waxaa duqeynta ku wehliyay diyaarado kale oo f16 ah.

Sacuudiga ayaa Xuutiyiinta duqeyn ku wada tan iyo March 26, 2015-kii, duqeyntaas waxaa kaloo lagu laalay dad badan oo ay ku jiraan Qaxooti Soomaali.

Qaxooti Soomaali ah ayaa ku xayiran dalka Yemen, dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday Gurmad balse Qaxootiga ayaa sheegay in weli wax gacan ah aanay ka heli dowladda Soomaaliya.