U bood dhigaalka

Marty Dale Oo Ah Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka Oo Goobjoog Uga Waramay Kaalintooda Qaraxii Zoobe

Sheeko:Dalka

Kadib qaraxii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe, kaas oo ay ku waxyeeloobeen in ka badan 1000 qof, waxaa jiray in ka badan 10 dal oo taageero toos ah soo gaarsiisay dowladda iyo umadda Soomaaliyeed, dalalkaasi waxaa ku jiray dalka Mareykanka.

Hadaba, Goobjoog News ayaa wareysi dheer la yeelatay Marty Dale oo ah ku xigeenka howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya, Wareysigan ee uu qaaday Axmed Weli Xuseen Tifaftiraha Guud ee Goobjoog ayaa ugu horeyn weydiinay sida  ay jawaab uga bixiseyn Qaraxii Muqdisho  ?

Marty Dale: Marka hore aad iyo aad  ayaad u mahadsantahay oo waxaan kaaga mahadcelinyaa in aad I wareysatid oo aad halkan iila joogto anoo ka hadlaya sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu dul-qaadanayan ugana soo kabanayaan dhibaatadii Soo gaartay, Marka hore waxaan tacsi u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda weerarkii dhacay 14 October, dhibkii  soo gaaray, kaas oo caalamka oo dhani ku xambaartay in ay aad uga murugoodaan musiibada dhacday ee dadka Badani ay ku baxeen, aad baan uga murugoonay dhacdadaa foosha xumeeyd taas oo xagjiriinta iyo argagixisadu ay kula kaceeyn shacabka Soomaaliyeed”

“Waxa ay ahaayeen dad caadi ah oo noloshooda iska watay waxaana galaabtay qaraxaa dad wanaagsan oo ay in ay shaqeystaan ay ka go’neeyd, Sidaa darteed Mareykanku Soomaalida markale waxa uu u dirayaan Tacsi waxa aynu u rajeynayaa in si dhaqsa ah ay uga soo kabtaan innaga oo ku rajo weyn in aan gacan ka geysan doono sidii arrinkan looga Soo kaban lahaa dhacdadan xanuunka badan”

“Haddii aan ka hadalno sidii aan uga jawaabnay, Mareykanku horayba waxa uu u ahaa deeqbixiyaha ugu weyn Soomaaliya dhanka gargaarka, waxaan bixinyay wax kabadan $400 million, kaliya sanadkii la soo dhaafay oo aan ku bixinyay abaaraha iyo macluusha ,sidaa darteed jawaabta aan ka bixinay weerarkan mid ka mid ah jawaabahaas aan bixinay waa in aan ku dhawaaqay  in ay musiibo dhacday, taas oo amar ku bixineysa hey’addaha mareykanka ah ee qeybsan horumarinta caalamiga ah gaar ahaan xafiiska Arrimhaha dibadda ee la macaamila musiibooyinka caalamka in si deg-deg ah uu ku bixiyo $100,000 oo cawimaad deg-deg ah si gacan ay uga geysato gurmadka caafimaad ee degdega ah, oo kooxaha caafimaadka ee isbitaaladdu ay ku shaqeeyeen dawaayinkaa iyo xarumo latalin oo lagu daweynayo dadkii dhabanayaasha ahaa ee waxyeeladdu Soo gaartay”. Intaa waxaa sii dheer sadex diyaaradood oo waday sahay caafimaad oo aan kala kaashanay saaxiibo si howshan loo qabto caafimaad”

Goobjoog News: Adeegyada aad qabateen waxaa nuucee bal sharaxaad dheeri ah ka bixi?

Marty Dale:  Qaarka mid ah caawinteenna waxaa gacan ka geystay waaxda difaaca Mareykanka waxa ayna ahayd 3.5 MTone. Oo ah sahay caafimaad oo isbitaalada aan gaarsiinay oo isugu jira Galoofyo, mataajooyinka dhaawaca lagu duubo, cirbado, dawooyinka  caabuqa looga hortago, waxyaabaha kale ee gacanta aan ka geysanay waxaa ka mid ah in waxaan udaad gureynay oo aan geenay koox caafimaad oo isgu jira Dhaqaatiir, kalkaaliyayaal, dhaqaatiirta qaliinka iyo kuwokale oo caafimaadka qaabilsan oo aan u dirnay isbitaalka madiina si ay u taageeraan xaaladda degdega ah ee halkaa ka jirtay, waxaa intaa noo sii dheeraa in aan bixinay oo aan goobta qaraxa geynay mishiino waaweyn oo loogu talagalay in ay gacan ka geystan badbaadinta iyo soo bixinta dadka burburka ku hoos jiray ujeedkuna ahaa in goobta la ga helo dad nool iyo in goobta la nadiifiso weerarka kadib.

Goobjoog News:  Door nuucee ah ayuu Mareykanku qaadanayaa si loo caawiyo dadkii waxyeeladu soo gaartay?

Marty Dale: Mid ka mid ah doorarka ay qaadanayaan  in hayaddaha Mareykanka ee horumarinta qaabilsani waa  ay gacan kageysteen keenidda cunooyinka iyo caawimaad kale oo la siinayo dadka waxyeeladdu ay soo gaartay ee isbitaaladda yaalla, waxaan sidookale lashaqeyneynaa duqa Muqdisho Thabit Maxamed Si aan u fududeyno ka qeybqaadashada dib udhiska goobihii qaruhu burburiyey, waxaana rajo weyn ka qabnaa in aan si wanaagsan ula shaqeyn doono dowladda hoose Ee Muqdisho.

Goobjoog News: Su’aallo Badan ayaa qaraxa la iska weydiinayaa ciddii ka dambeysay haddii aad tihiin Mareykanka maka caawineysan dowladda Soomaaliya in aad soo saartaan cidii weerarkaa kadambeeysay?

Marty Dale: Aad baad ugu mahadsantahay su’aashaa waana mid fiican, marka hore dowladda Soomaaliya ee fadaraalka ah qeybteyda ammaanka  ayey waajib ka saaranyahay in ay baarto arrintan waxaana aarrinta aan doorbidi lahaa in iyaga aad weydiiso, tani waa baaritaan soomalidu ay hoggaamineyso, waxihiinna ammaanka ayaana baaraya cidda ka dambeysay weerarkan ba’an iyagaana lag araba in ay cadaaladda keenaan dadkaa.

Goobjoog News: Ma idin weydiisteen in aad ka caawisaan baaritaanka arrinkan?

Marty Dale: Waxaan ka caawineynaa arrimaha  jawaabta laga bixinayo gargaarka

Goobjoog News: Ma idin weydiisan miyaa in aad baritaankaa ka caawisaan?

Marty Dale: Maya.

Goobjoog News,