U bood dhigaalka

Marwada Koowaad Qaranka Oo Wada Hadallo Lagu Horumarinayo Arrimaha Haweenka La Yeelatay Dhigeeda Turkiga

Sheeko:Dalka
Marwada Koowaad ee dalka Saynab Cabdi Macalim ayaa Safar shaqo ku joogta dalka Turkiga, Kadib  Martiqaad Rasmiya oo ay ka heshay dhiggeeda dalka Turkiga Emine Erdogan, Waxaana kulan gaar ah oo ay ku wada yeesheen magaalada Ankara looga hadlay  Xidhiidhka soo Jireenka ah ee  Soomaaliya iyo Turkiga,  iyo sidii loo Xoojin lahaa.

Waxaana Kulanka si gaar ah looga hadlay Arimaha Caafimaadka , Hooyadda iyo  Dhalaanka , Sidii loo Horumarin lahaa Tacliinta Haweenka, Arimaha Nabadda iyo Horumarinta .

Dhinaca kale Marwada Koobaad ee Qaranka Saynab Cabdi Macalim  ayaa  Lagu Casuumay     Munaasibadda “MAALINTA AFRIKA” oo lagu Qabtay Xarunta dhaqanka ee  Guriga  Afrika (Afrikan House).

Marwada Koowaad ee Soomaaliya  Saynab Cabdi Macalim oo khudbad ka jeedisay Munaasibadda Maalinta Afrika, ayaa ka hadashay Taariikhda   Soomaaliya iyo Siday Hormuud ugu ahayd Qaaradda Afrika iyo muuhiimada uu leeyahay   Xidhiidhka Turkiga iyo dalalka Afrika.

Marwo Saynab ayaa ka hadashay Xiriirka Walaaltinimo ee Turkiga  iyo Soomaaliya,  iyo Sidii uu Shacabka Soomaaliyeed Turkigu u garab istaagay Wakhtigii Adkaa,Waxayna sheegtay inuu yahay Saaxiibka dhabata ah,   Kadib Markii Madaxwaynaha turkiga oo Xiligaasi Raysal wasaare ahaa  iyo Marwadiisu ay yimaadeen Soomaaliya Sanadii 2011-kii Taasi oo Indhaha Caalamka kusoo jeedisay.

Waxayna uga mahad celisay Madaxwayne Rajeb Dayib Erdogan iyo Marwadiisa Hiilka dhabta ah ee ay Soomaaliya u muujiyeen,  Iyagoo Soomaaliya ka hergeliyey Mashaariic kala duwan Sida dhismaha Wadooyinka, Guryaha , Cisbitaalo,  Dugsiyo waxbarasho Iyadoo  Sidoo kale Turkigu uu Tababar Siiyo Ciidamada Soomaaliya.

Marwada Koowaad ee Qaranka  Saynab Cabdi Macalim Waxay sidoo kale Khudbadeeda ku xustay Shirkadda Diyaaradaha  ee Turkish Airline oo Duulimaadyo Toos ah ka  Bilowday dalka, Kuna xidhay Caalamka intiisa kale, Iyadoo Hada Shirkado badan oo Caalami ah ay door bidayaan inay Soomaaliya duulimaadyo ku tagaan.

Munaasibadan Maalinta AFRIKA oo ay  Qabateen Marwadda dalka Turkiga Emine Erdogan iyo Wasaaradda Arimaha debedda Qaybteeda Afrika , Waxaa Qayb galay Safiirka Soomaaliya Turkiga jaamac Cabdullaahi Caydiid , Safiiradda dalal ay kamid yihiin Liibiya, Kongo, Nijar , Madaxwaynaha  Ha’adda TIKA , Marwooyinka Safiiirada Afirka ee  ku sugan dalka Turkiga,  Ardayda Afrika ee wax ka barta Turkiga, oo ay Qayb ka yihiin Arday Soomaaliyeed  oo deeq Wax barasho ka helay Dawladda Turkiga.

Marwada ayaa la kulmi doonta gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas si ay ugu dhiirrigeliso ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Goobjoog News