U bood dhigaalka

Marwada Madaxweynaha “Waalidiinta Carruurtooda Ha U Ogolaadeen in ay Galaan Imtixaamka Dowladda”

Sheeko:Dalka

Marwada madaxweynaha Soomaaliya Sahro Cumar Xasan oo maanta ka hadlay kulan looga hadlayay imtixaanaadka shahaadiga ah ee ay dowladda qaadayso ayaa waalidiinta Soomaaliyeed ka codsatay in ay carruurtooda u ogolaadaan in ay imtixaankaasi galaan xili cabsi iyo cago jugleyn lagala kulmey ururka Alshabaab oo arrintaasi kasoo horjeedsatay.

Jawaahir Baarqab Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Benaadir oo ka hadashay kulanka ayaa xsutay in uu jiro isfaham la’aan u dhexeysa Wasaaradda iyo dalladaha, loona baahanyahay in caqabahaasi laga gudbo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiqaadir Nuur ayaa hoosta ka xariiqay in imtixaanka midka ah ee laga qaadayo ardayda dugsiyada sare uu yahay heshiis ay kor hore kala saxiixdeen Wasaarada iyo daladaha, waxaana uu ka hadlay muhiimadda uu ardayda u leeyahay.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Cumar Caasho Koos oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tilmaamtay in Imtixaanka uu ahmiyad u leeyahay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ay madaxda daladaha iyo waalidiintuba ugu baaqday inay ogolaadaan imtixaanka.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysey oo ay dowladda qaado imtixaam muddo ka badan 20 sano.

Goobjoog News