U bood dhigaalka

Marwada Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Yaboohday Lacag Dhan 10-kun Oo Doolar

Sheeko:Dalka

Sahra Cumar Xasan oo ah marwada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgashay barnaamika gaarka ah ee taburaacada loogu uruurinayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen, iyado oo ku yaboohday lacag dhan 10-kun oo Doolar.

Marwo Sahra Cumar ayaa sheegtay in ay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen la qeybsanayso murugada, islamarkaana waxa ay bogaadisay Idaacadda Goobjoog oo lahayd fikirka ah in shacabkaasi loo gurmado iyo guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Goobjoog News, waxaa ka soconaya barnaamij qarashaad loogu uruurinayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen, waxaana Goobjoog ku sugan iyo guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Cid walba oo Soomaaliyeed waa maalintii loo baahnaa in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen kuwaasi oo dushooda lagu dagaallamayo.

Dhageystayaasha Goobjoog news ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa waxa ay inoo soo wici karaan sidan:-

Ganacsatada: 0616564444

Dadweynaha: 0615525758

Dadka dibadda: 0617073557

Waxaad lacagta lagu shubi karaa

  • AccountigaSalaama: MQD 0028404
  • AccountigaDahabshiil: 3058178
  • TeleefanEVC ah: 0617885353

Dadka dibadaha jooga waxay lacagaha si toos ah ugu soo diri karaan Gudoomiyaha gudiga Sheekh Nuur Baaruud oo laga helo: 0615303738 ama Marwo Batuulo Gabale, gudoomiye ku xigeenka gudigan oo laga helo: 0618949960

Goobjoog News