U bood dhigaalka

Marwo Sacdiyo Yuusuf oo Ka Mid Noqotay Guddiga Madaxabannaan Ee doorashooyinka Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta codka aqlabiyad leh ku ansaxiyay xubin ka mid noqonaysa Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye ayaa kaga mahadcelisay Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta u codeeyay in ay ka mid noqoto Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaana ay balan qaaday inay u shaqayn doonto bulshadeeda si cadaalad ah.156 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye oo maanta laga bilaabo si rasmi ah kaga mid noqoneysa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

“Waad ku mahadsantihiin inaad ii codeyseen, waxaan Alle ka baryayaa inaan noqdo qof guta shaqadiisa, Ummadda Soomaalyeed u wada noqda qof ay u siman tahay, idinkuna shaqo badan ayaa idin taalo Alla waxaan idinkaga baryay in aad noqotaan kuwii ka soo baxa” ayay tiri marwo Sacdiyo Yuusuf.

Goobjoog News