U bood dhigaalka

Marxuumad Saado Cali oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”35″]

Waxaa maanta aas qaran Muqdisho loogu sameeyay Marxuumad Saado Cali Warsame oo Shalay koox Hubeysan ay ku toogteen Magaalada Muqdisho.

Waxaa marxuumada salaada janaasada xarunta madaxtooyada kula tukaday madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan, raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),  wasiirro, xildhibaanno, saraakiil, fannaaniin iyo dad kale.

Xubnihii ka qeyb galay aaska Saado waxaa kamid ahaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, kaasi oo sheegay inay iska caabinayaan xarakada Al-Shabaab oo dilka Saado Cali Warsame uusan hakad ku keeni doonin howsha dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu laamaha ammaanka ka codsaday in caddaaladda la hor keeno gacan ku-dhiigleyaashii ka dambeeyay dilka marxuumadda, isagoo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidanka.