Masaajidka Jaamacul Ibi Degmada Shibis oo u baahan ln la dhamaystiro dhismihiisa (Sawiro)
Masaajidka Jaamacul Ibi ee ku yaala xafaada Bilaajo Carab ee degmada Shibis magaadala Muqdisho, ayaa waxaa uu wajahay dhismihiisa saddexaad isagoo maraya meel dhexe waxaana uu u baahan yahay dhameystir maadaama hakad dhinaca dhaqaalaha uu jiro.
Sheekh Qaasim Xaaji Naaji ‘’Yaa Sheyga” oo ah Imaamka Majidka Jaamacal IBI ayaa waxaa uu qaylo dhaan u diray dhamaan Ummadda Muslimka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee Muxsiniinta ah inay gacan weyn ka gaystaan sidii loo dhamaystiri lahaa Masaajidkan oo haatan qabyo ah.
Cabdiraxmaan Cawad Leexaan oo kamida Guddiga dhismaha Masaajidka Jaamacal IBI ayaa waxaa si wanagsan u faahfaahiyay marxaladaha kala duwan ee uu soo maray Masjidku,waxaa uu sheegay in ugu horey la dhisay Masjidkan 1933-kii waxaana sidoo mar kale dhisame kale loo celiyay sanadii 1970 kii ,iyadoona haatan ay tahay marxaladii saddexaad waxaana uu haatan ka gadisan yahay sidii hore iyadoona uu yahay dhisme ka kooban saddex dabaqa.
Gudoomiyaha guddiga dhismaha Masjidka Sheekh Xuseen Xasan Cabdulle ayaa sidoo kale isna sheegay in dhismaha Masjidku uu marayo meel dhexe waxaana uu u baahan yahay dhamaystir ,iyadoona ay ku baxayso lacag dhan 3000 ( Saddex boqolo kun oo doolar) waxaana haatan lagu bilaabay 1000 ( Boqol kun oo doolar) oo uu bixiyay walal Muxsina, waxaana uu intaas ku daray cid kasta inay gacan gaysan karto.
FG: qofkii u baahan inuu gacan ka gaysto dhismaha Masjidkan wuxu kala xiriiri karaa
Dahabshiil: ACC NO: MUQD0023765 EVC, 0617349990
Ama Numberada kale: + 252-61-5595900, + 252-61-5199324