U bood dhigaalka

Masar: 18 Askari Oo Lagu Dilay Siinaay

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 18 ka mid ah ciidamada booliska dalkaasi Masar ayaa ku dhintay qaraxyo miino ah oo lala beegsaday kulanyo ka tirsan ciidamada oo maray magaalada Cariisha ee waqooyiga Siinaay.

Qaraxyadaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 5 kale oo ka tirsan isla ciidamada oo uu ku jiro Sargaal sare.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa waxay sheegayaan in koox ka tirsan ciidamada ay rasaas is weydaarsadeen kooxo hubeysan kuwaas oo ku sugnaa meel u dhow halka uu qaraxa ka dhacay waxaana la dilay saddex ka mid raggii weerarka soo qaaday.

Ciidamada nabadsugidda Masar ayaa waxay howlgallo ballaaran ka wadaan muddo sanooyin ah waqooyiga magaalada Siinaay,waxayna doonayaan in ay guud ahaan tirtiraan kooxaha hubeysan ee ku sugan meesha lagu magacaabo Shubha Jazeera.

Howlgalladaan inta ay socdeen ayaa waxaa lagu dilay weeraro boqolaal ka tirsan ciidamada dalkaasi  oo is kugu jira boolis,nabadsugid iyo millatari,waxaana mas’uuliyadda weeraradaas sheegta in badan oo ka mida kooxda Daacish.