U bood dhigaalka

Masar: Dad Ku Dhintay Labo Tareen Oo Isku Dhacay

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhimatay, halka ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale ka dib markii ay isku dhaceen labo tareen oo siday rakaab sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Masar.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay waqooyiga Masar, labada tareen ee isku dhacay ayaa mid waxa uu u socday magaalada Qaahira, halka midka kalana uu ku jeeday magaalo xeebeedka Alexandria .

Shariif Wadiic oo ah la taliyaha wasiirka caafimaadka Masar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in tirade ku dhimatay shilkaan ay gaarayaan ilaa iyo hadda 49 qof, halka dhaawaca uu marayo 179 kale.

Shariif oo hadlkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in dadka dhaawacmay 12 ka mida ay xaaladdooda halis tahay .

Goobjoog News