U bood dhigaalka

Masar iyo Itoobiya Oo Isku Af-gartay Arrimaha Webiga Nile-ka

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa goordhow ka soo duulay Qaahira kadib booqasho 2 maalin qaadatay uu ku tagay dalkaasi Masar.

Intii uu Qaahira joogay waxaa ay Abiy Axmed is arkeen madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi iyada oo midka hore uu ku dhaartay in aaney dhimmi-doonin xisada ay Masar ku leedahay biyaha webiga Nile-ka.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale si qotto-dheer uga wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan.

Itoobiya ayaa waxaa ay muddo dhismo ku waddey biyo-xireenka “Al-nahda” kaas oo ay rabto inay ka dhaliso koronto ay ka ganacsato.

Dalka Masar ayaa wax badan ku doodayey in marka biyo-xireenka la buuxinayo aan lagu degdegin oo muddo qaadato, Itoobiya waxaa ay rabtay inay ku buuxiso 3 sano halka Masar ay dalbatay inuu qaato 7 sano.

Abiy Axmed Cali, ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya oo ah muslim u dhashay Oromada, lana doortay April sanadkan ayaa waxaa muuqato in aanu aheyn nin isku dhac rabo, isaga oo Qaahira u muujiyay is afgarad iyo isfaham.

Goobjoog News