U bood dhigaalka

Masar Iyo Suudaan Oo Heshiis Iskaashi Ku Yeeshay Qaahira

Sheeko:Dalka

Madaxweynayaasha Cabdi Fitaax Al-siisii iyo Cumar Xasan Al-bashiir  oo ku kulmay madaxtooyada Qaahira ayaa waxa ay isku afgarteen  sidii la xoojiyo  lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Masar Siisii ayaa sheegay in labada dal ay isku raaceen in la xoojiyo xiriirka iyo in la hirgeliyo waxyaabo ay wadaagi karaan labada dhinac si looga gudbo caqabadaha iyo khilaafka mandiqadda Carbeed.

Qaahira iyo Khartuum ayaa waxay iska kaashanayaan dhinacyada Korontada, gaadiidka dhulka, badda iyo cirka.

Madaxweynaha Suudaan  Cumar Al-bashiir ayaa dhankiisa tilmaamay in uu taageersanyahay in Siisii uu mar kale isku soo sharaxo doorashooyinka madaxtinnimo ee ka dhacaya Masar waxaa uuna yiri “Booqashadeenna waqtigaan ah ujeedkeedu waxa uu yahay in la xoojiyo deganaashaha Masar iyo taageerada madaxweyne Siisii.

Goobjoog News