U bood dhigaalka

Masar: Mursi Oo lagu Xukumay Saddex Sano Oo Xabsi Ah

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taallo  Masar ayaa ku xukuntay xabsi muddo saddex sano ah madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi iyo 19 kale oo qof ka dib markii ay liideen madaxda garsoorka dalkaasi.

Mursi iyo kooxdaan kale ayaa horay waxaa ay u sheegeen warar ay ku naqdinayaan xukunka waxayna doonayeen inay baahiyaan warar ku saleysan naceyb sida ay sheegtay maxkamadda.

Maxamed Mursi ayaa loo maxkamadeeyay arrimo dhowr ah tan iyo markii ay casileen ciidamada bishii June ee sanadkii 2013 ka dib markii ay dhaceen banana-baxyo ballaaran oo looga soo horjeeda xukunkiisa.

Waxaa la soo saaray labo xukun oo ugu dambeyn Mursi ka dhan ah iyo xubno ka tirsan kooxda Ikhwaanul-muslimiin ee uu ka tirsanyahay.

Mursi ayaa agu xukumay xabsi daa’in ah isaga oo lagu heystay labo arrimood oo kala ah dhacdooyinkii ka dhacay aqalka madaxtooyada Masar ee Al-tixaadiyah iyo inuu sirdoon u ahaa dowladda Qatar.

Goobjoog News