U bood dhigaalka

Masar: Ra’isul Wasaarihii Hore Oo Sheegay In Aanu La Tartami-doonin Sisi

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaarihii hore ee Masar Axmed Shafiq ayaa sheegay inuu go’aansaday inuusan isku soo sharixin doorashooyinka madaxtinimo ee sanadkaani dhacaya.

Axmed Shafiq ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin waaweyn oo doonaya inay la tartamaan madaxweyne Cabdi Fitaax Al-siisi balse ma uusan sheegin illaa iyo hadda inuu ku guuleysan doono mar labaad.

Axmed Shafiq ayaa ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta isaga oo Masar soo gaaray bishii December ka dibna waxaa uu baahiyey inuu yahay musharax madaxweyne waxaanaka dib loo jeediyey dhaleeceymo loo marsiinayey warbaahinta madaxa banana iyo midda dowladda isaga oo maalmo lagu xiray Hotel ku yaallo Qaahira.

Shafiq, waxaa uu ahaa taliyihii hore ee ciidamada cirka sidoo kale waxaa uu ahaa wasiirka hore ee duulimaadka rayidka, waxaana codad yar looga qaaday doorashooyinkii 2012 uuna ku guuleystay madaxweynihii hore Maxamed Mursi oo ka tirsan kooxda Ikhaawunl Muslimiinta,  waxaana casilay sanadkii ku xigay ciidamada ka dib markii ay dhaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo xukunkiisa.

Goobjoog News