U bood dhigaalka

Masar: SISI Oo 5 Ka Mid Ah Dadkii La Tartami Lahaa Ka Taqalusay, Keligiina La Aqbalay

Sheeko:Dalka

Kadib markii uu horay uga taqalusay murashaxiinta kala ahaa Sami Canaan, Axmed Shafiq, Maxamed Anwar Saadaat iyo Axmed Qunsuwa,waxaa shalay sheegay inuusan doorashada Masar ka qeyb-gali-doonin murashax Abuukaate Khaalid Cali, doorashada ayaa dhici-doonta Maasro.

Khaalid oo shir jaraa’id qabtay ayaa yiri “Waxaan go’aansannay inaanu ka qeyb-galin tartankaan doorasho ma aanu gudbin waraaqadaha doorashada Masar hanoolaato”.

Cabdifitax el Sisi madaxweynaha Masar ayaa waxaa uu noqonayaa musharraxa kaliya ee is diiwaan galiyey shalay oo arbaco aheyd ka dib markii Khaalid uu ka baxay tartanka doorashada lana xiray Saami Anan amaan duuliyihii hore ee ciidamada Masar.

Is diiwaan-gelinta ayaa waxay ku egtahay maalinta 29 ee bishaan Janaayo, waxayna bilaabaneysaa howsha cod-bixinta todobaadka saddexaad ee bisha Maarso.

Qodobka 36-aad ee sharciga doorashooyinka mataxtinimada ayaa cadeynayaa in haddii uu is diiwaan-geliyo hal musharax xataa uu tartamayo.

Khaalid Cali ayaa waxa uu kaalin muuqata kulahaa kacdoonkii 2011 lagu riday madaxweyne Xusni Mubaarak waxaa uuna isku soo sharraxay doorashooyinkii 2012, waxaana ku guulestay Maxamed Mursi.

Goobjoog News