U bood dhigaalka

Masar, Suudaan Iyo Itoobiya Oo Guddi Saddex-geesoodka U Saaraya Biyo-xireenka

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Ibraahim Ganduur ayaa sheegay in la qaban-doono kulan saddex-geesood ah oo dhex-maraya Qaahira, Khartuum iyo Adis-ababa.

Kulankani oo aan loo qaban maalin gaar ah, waxa uu ka dhici-doonaa dhowaan dalka Suudaan, waxaana looga-doodi-doonaan arrinta biyo xireenka Al-nahda.

Ganduur waxaa uu intaasi ku daray in arrinta biyo-xireenka uu yahay doodda ugu weyn ee looga hadli doona shirka saddex geesoodka ah iyo in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban 9 mas’uul oo ay ku jiraan wasiirrada arrimaha dibadda, kuwa waraabka iyo laamaha amniga iyo sirdoonka.

Xiriirka u dhaxeeya Suudaan iyo Masar ayaa noqday maalmihii dambe mid ay soo kala dhex gashay xisad, khilaafkan ayaa waxa uu salka ku hayaa xaduudaha Xalab iyo Shaatiliin, Abuu ramaad iyo arrinta biyo xireenka.

Goobjoog News