U bood dhigaalka

Mashaariic Horumarineed Oo Laga Fuliyey Degmada Xudur Ee Bakool

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad gobaleedka K/galbeed, Cabdicasiis Laftegareen iyo gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa si wadajir ah uga dhagax-dhigay degmada Xudur ee gobolka Bakool, xafiiska hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ku yeelaneyso degmadaasi.,

Dhagax-dhigga xaruntan ayaa waxa ay ka mid tahay mashaariic horumarineed oo qaarkood laga fuliyay gobolka Bakool, kuwaas oo horay uu u balan qaaday madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Laftagareen oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in hay’adda xafiisyadeeda sidoo kale la gaarsiinayo deegaannada K/galbeed, si dadka ay ugu fududaato helitaanka Baasaboorka ay rabaan in ay ku safraan.

“Waxaan dhagax-dhignay xarunta hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee degmada Xudur, gobalka Bokool, waxaan rabnaa inaan dagmooyinka dhan aan gaarsiino si ay u helaan adeegii hay’addan, degmo walbana ay ka hesho Baasaboorkii iyo wixii ay u baahnaayeen, shaqaalihii iyo dhismihiina waan dhameystireynaa”

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacacabka iyo madaxweynaha K/galbeed, ayaa xarigga ka jaray saldhigga Booliska ee dagmada iyo Iskuul ay dhismihiisa iska kaashadeen Hay’adda UN Habitat , waxaana mashaariicdaan ay wax badan ay ka bedali doonaan horumarka deegaanka, dhowaanna la rajeynayo in dib u dhis lagu sameeyo garoonka magaalada Xudur waa sida uu yiri madaxweyne Laftagareen.

“Waxaan sidoo kale aan soo marnay saldhig Boliiska oo ay hay’adda dhistay iyo waliba Iskuulka degmada oo isagana ay UN Habitat ay maalgelisay, sidoo kale waxaan u sheegeynaa in hay’adaha ay quseyso gacan naga siiyaan Airaporka weyn ee dagmada Xudur, waa garoon muhiim ah, degmadana muhiim u ah, waxaan codsaneynaa in dhagax-dhigeenii si dhaqso ah looga jawaabo”

Dhanka kale godoomiyaha golaha shacabka iyo wafdigiisa ayaa  kormeeray xarunta ciidanka xooga ee degmada Xudur, waxa ayna bogaadiyeen howlgallada ay ka wadaan goboplka iyo dhamaan deegaannada K/galbeed.

Goobjoog News