U bood dhigaalka

Mashiinka Lagu Baaro Coronavirus oo Somaliland Lagu Wareejiyey

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda  caafimaadka iyo hormarinta  Somaliland ayaa sheegay in lagu guulaystay in Somaliland la keeno Meshiinka lagu baaro xanuunka Coronavirus oo dhowaan kiisas ku aadan xanuunkaas laga diiwaan geliyey magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Cumar Cabdullaahi Bade ayaa xusay in in qalabkaan uu ka soo gaaray Hay’adda caafimaadka Adduunka WHO waxaana uu intaas ku daray in markii hore adkeyd helitaanka  jawaabta baaritaanka dadka looga shakiyo  xanuunka Coronavirus loona diri jiray adanka Kenya lana sugijiray  maalmo.

“Waxaannu la soo wareegnay Mashiinkii lagu baadhaayay Xanuunka Coronavirus , waad ogaydeen dhibaataddii innaga haysatay shaybaadhka oo marka aynu hubbino aynu u dirri jirnay dalka Kenya oo uu maalmo ku maqnaan jirey. ayuu yiri wasiir Bade.

Wasiirka caafimaadka iyo hormarinta Somaliland oo sii hadlayo ayaa sheegay in hey’adda caafimaadka u soo dirayso Khabiir tabar siiyo kaaliyaasha caafimaadka ee ka shaqeynayo la tacaalidda dadka qabo xanuunka COVID-19 waxaana uu sharaxay awooda uu leeyahay Mashiinka.

“Tababarkiinna waxa uu bilaabmayaa labada cisho ee innagu soo socda oo qof khabiirka ah ayaa WHO ka keennaysaa dalka Ethiopia, marka uu Mashiinkaasi shaqadda bilaabo 12-kii saacba waxa uu baadhi karraa ilaa 500 oo ruux, taasinna waxa ay sarre u qaaddaysaa tallooyinkii ay soo jeeddisay Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO oo ku talisay in ruuxa looga shakiyo markabba lagu sameeyo shaybaadh.”ayuu yiri wasiirka caafimaadka.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay maanta furreen Xafiis cusub oo ay ugu talo-galleen in ruuxii xaaladdiisa ka shakiyaa uu soo wici karro ama soo garaaci karro telefoonka 988.

Goobjoog News