U bood dhigaalka

Mashruuc Biyo Looga Saarayo Wadooyinka Gaalkacyo Oo La Daah Furay

Sheeko:Dalka

Maamulka dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa markii ugu horreysay magaaladaasi ka hirgeliyey  mashruuc biyaha looga saarayo magaalada, maadaama xilliyada roobka ay biyo badan fariistaan Gaalkacyo.

Mashruucan oo ah kuwo ay iska kaashanayaan maamulka Gaalkacyo iyo ganacsato ayaa waxaa daahfuray duqa Gaalkacyo ee Galmudug, Xirsi Yuusuf Barre.

Mr. Barre ayaa sheegay in goobo badan oo Gaalkacyo ka tirsan ay shaqooyin muhiim ah ka qaban  doonaan, wuxuuna bulshada magaaladaasi ugu baaqay iney ka qeybqaataan mashruucan.

“Sidaad aragtaan howl  baa la billaabay, waxaa laga shaqeynayaa magaalada oo sidaad ogeydeen dhib lagu qabay xilliga roobka, ganacsatada iyo maamulka ayaa iska kaashanaya, meello badan baa inoo calaamadeysan waana la wadayaa, magaalada waxaan rabnaa inaan biyaha ka saarno, dadweynaha waxaan leenahay biyaha yaan la xirin ee iska fura magaalada wey dhaafayaan” ayuu yiri duqa Gaalkacyo.

Xilliyada roobka, biyo badan ayaa fariista waddooyinka Gaalkacyo, waxaana ka dhasha cudurro.

Goobjoog News