U bood dhigaalka

Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta Online-ka Oo Laga Hirgalinayo Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa xarunta  aqalka sare ee Baarlamaanka soomaaliya ka hergalisay mashuuruuca taakuleynta Isgaarsiinta  online-ka, kaasi oo looga qeb-gali doono shirarka caalamiga ah ee ka dhacaya dibadda.

Mashruucan oo ay maalgelintiisa wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta kala kaashatay Bankiga aduunka ayaa ah mid muhiimadiisu tahay in nidaam isgaarsiineed uu yeesho dalka.

Ilaa 37 xafiis ayey sheegtay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta soomaaliya in qalabkani lagu  rakibay sidoo kalena ay gaarsiindoonaan Maamul Goboleedyada dalka.

Goobjoog News