U bood dhigaalka

Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Qarax Lagula Eegtay Magaalada Gaalkacyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

QaraxWararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi ayaa sheegaya in qarax Miino lala eegtay Gudoomiye ku xigeenka maamulka Gobalka Mudug ee Puntland, iyo ciidamo isaga la socday.

Qaraxaan ayaa si gaar ah lala eegtay gaari uu saarnaa gudoomiye ku xigeenka Farxaan Cali Xaad, iyadoona wararka ay sheegayaan in waxyeelo ay halkaasi kasoo gaartay mas’uulkaan, waxaana loola cararay Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Halka qaraxaan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada Puntland oo halkaasi isku gadaamay, waxaana ay ciidanki wadaan howlgalo lagu baadi goobayo dadkii qaraxaasi ka dambeeyay.

Dhanka kale xiriir aynu la sameenay maamulka Mudug ee Puntland ayaa inoo suurta gelin, iyadoo xaaladda waqooyiga magaalada Gaalkacyo ay tahay mid kacsan.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News