U bood dhigaalka

Mas’uul Ka Tirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland oo La Dilay

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil habeennimadii xalay ka dhacay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, kadib markii halkaas lagu dilay mas’uul ka tirsan maxkamadda ciidamada sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno.

Mas’uulka ayaa la sheegay in kooxo ku hubeysnaa Bastoolado aan heybtooda la garan ay toogteen xili uu ku sugnaa bannaanka hore ee hoygiisa, waxaana magaciisa lagu sheegay Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus).

Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ahaa kaaliyihii koowaad ee maxkamadda ciidamada maamul goboleedka Puntlan, waxaan weli jirin wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan dilka loo geystay kaaliyaha.

Goobjoog News