U bood dhigaalka

Masuul ka tirsan Puntland oo maanta shil gaari ku geeriyooday

Sheeko:War
Masuul dhintay
Cabdi Cismaan Faarax (Ciiro)

Waxaa maanta shil gaari ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo xilli uu ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo.

Cabdi Cismaan Faarax (Ciiro) ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada Cusub ee Golaha Deegaanka Degmadda Gaalkacyo,waxaana uu Shilka galay xilli uu ka soo laabtay Safar uu ku tagay Xarfo.

Xildhibaan Ciiro, oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii degmada Gaalkacyo maamulkii Axmed Cali Salaad ayaa shilkan gaari ku galay halka loo yaqaan laanta dusmada oo ka mida meelaha ugu shilka badan gobolka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Galinkii Dambe ee manta ka qayb galay Aaas Qaran oo loo sameeyay Marxuum Cabdi Shakuur Maxamuud Gurey oo horay u ahaan jiray Agaasimihii Hay’adda Daryeelka Bulshada oo u dhintay Shilgaari kaasoo isna ku geeriyooday shil gaari o ka dhacay meel u dhow Garoowe.

Aaska loo sameeyay Marxuumka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Camay,Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland,Waxgarad,oday dhaqmeed iyo Dadweyne kale.

Xalay ayay ahayd Markii Duleedka Garoowe ay isku dhaceen labo gaari oo Mid ka yimid dhanka Magaalada garoowe iyo mid kale oo ka yimid dhanka gaalkacyo Halkaas oo uu Khasaare lixaad leh ka dhashay 8 Ruux ayaa Geeriyootay oo mid uu ahaa Mas,uul ka tirsan Maamulka Puntland Halka Tiro kalena ay dhaawacyo soo Gaareen.