U bood dhigaalka

Mas’uul Ka Tirsanaa Shirkadda Dahabshiil Oo Laagu Dilay Degmada Laascaanood Ee Sool

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay degmada Laaascaanood ee gobolka Sool ku dileen Xisaabiyahii Guud ee Koonfurtaiyo Bartamaha Bankiga Dahabshiil.

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabayey Maxamed Xirsi, waxaana la sheegay in ragga wax dilay ay goobta  ka baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa dilka kadib halkaasi howlgallo ka sameeyay, balse ma jirto cid dilkaasi loo soo qabtay.

Maxamed Xirsi ayaa horay rag hubeysan waxay ugu dhaawaceen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, sidoo kalena maamulka guud ee shirkadda Dahabshiil kama aanay hadal arrintan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News