U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin DFS Iyo Maamul Goboleedyada Ah Oo Gaaray Baydhabo

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo oo lagu wado in gelinka dambe ee maanta uu ka furmo shirka golaha amniga qaranka ayaa halkaasi waxaa ku qulqulaya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ugu horreyn gaaray magaaladaasi, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Goor dhow ayaa sidoo kale waxaa magaalada Baydhabo caga dhigatay diyaarad ay la socdeen madaxweynayaasha maamullada Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo la filayo in halkaasi goor dhow ay gaaraan madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee maamullada Jubbaland iyo Galmudug.

Goobjoog News