U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Iyo Waxgarad Ka Shiray Amniga Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Guddiyada Nabadeynta Gaalkacyo, maamullada Puntland Iyo Galmudug ee gobolka Mudug, Waxgarad iyo Odoyaal dhaqameed ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxay kaga hadleen  sidii loo amba qaadi lahaa dhameynta waxyaabaha ku horgudban nabadda Gaalkacyo iyo dhameystirka fulinta heshiisyadii la gaaray.

Ugu horreyn waxaa kulankaasi ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug C/rashiid Xaashi Cartan iyo Dhiggiisa dhanka Puntland Xasan Maxamed Khaliif, waxaana ay sheegeen in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa heshiiyadii la gaaray.

Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ayeey ugu baaqeen in laga wada shaqeeyo amniga iyo sidoo kale derisnimada, islamarkaana muhiim ay tahay in dadka Gaalkacyo dib loo mideeyo.

Dhanka kele Waxgaradka Puntland iyo Galmudug oo ka hadlay heshiiskii ay magaalada Muqdisho ku gaareen madaxda Labadaasi maamul ayaa farta ku godey ciidanka la geynayo Gaalkacyo, waxaana ay sheegeen in kaliya ay aqbali doonaan ciidamo Puntland iyo Galmudug laga soo kala xulay.

1-dii bishan January waxaa magaalada Muqdisho heshiis ku gaarey madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana qodobada lagu heshiiyey kamid ah in Ciidamo Booliis isku dhaf ah la geeyo Gaalkacyo.

Goobjoog News