U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo gaaray Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Buulo burte ee gobalka Hiiraan.

Mudane Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta XFS, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasilinta.

Ujeedka socdaalka mas’uuliyiintaan ayaa ah asidii loogu kuur gali lahaa xaaladda magaalada, buundadi dhawaan la qarxiyay, barnaamijyada xasilinta iyo arrimo kale

Goobjoog News