U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Galmudug Oo Ku Geeriyooday Shil Ka Dhacay Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo nabadoon caan ka ah deegaannada maamulkaasi ka arimiyo ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanka Saddex Higlo oo qiyaastii 50 KM u jira magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta geeriyootay ayaa kala ah Wasiiru dowlaha howlaha guud ee Galmudug Aweys Cali Saciid iyo wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda C/ladiif xilli ay kusii jeedeen magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale nabadoonka ku dhintay shilkaasi ayaa magaciisa waxaa naloogu sheegay C/laahi Yuusuf Digsi, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay askari ka tirsan Booliiskii mas’uuliyiintaasi la socotay.

Dadka dhintay qaarkood ayaa la sheegay inay go go’een, kadib markii gaariga oo xawaare dheer ku socday uu rogmaday.

Maanta ayaa aas loo sameyn doonaa Afarta qof ee geeriyootay, waxaana aaskooda ka qeybgali doona mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Goobjoog News