U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Gobolka Hiiraan Miyaa Ku Lug Lahaa Isbaarooyinkii Yaallay Duleedka B/weyne?

Sheeko:Amniga

Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa ka hadlay warar maalmahan dambe la isla dhexmarayey oo ahaa in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan iyo kan B/weyne ku lug lahaayeen isbaarooyin dhowaan laga qaaday duleedka magaaladaasi.

Dhamme Carab Yuusuf oo ah taliyaha ciidamada ayaa waryesi uu siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in aanay waxbo ka jirin arrintaasi, islamarkaana dadka warkaasi faafiyey ay yihiin kuwo aan dan ka lahayn amniga gobolka.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in dhammaan madaxda gobolka Hiiraan iyo kan B/weyne mas’uuliyad ay ka saaran tahay la dagaalanka Isbaarooyinka, kaalinna ay ku leeyihiin howlgallada lagu qaadayo burcadda.

“Ma jirto arrintaasi, qof walbo oo mas’uul ah waxa uu waajib ka saaran yahay in umaddaasi uu badbaadiyo, ciddii warkaas sheegtayna meeshii ay ka keentay iyadaa taqaano” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale, Dhamme Carab ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada lagula dagaallamayo isbaarooyinka inta guud ahaan B/weyne iyo nawaaxigeeda laga weyn doono Jidgooyooyinka loo dhigto dadka shacabka ah.

Ciidamada ammaanka magaalada B/weyne ayaa magaaladaasi iyo duleedkeeda ka bilaabey howlgallo ballaaran oo lagula dagaallamayo Isbaarooyinka.

Goobjoog News