U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Somaliland oo Ku Hanjabay iney is Casilayaan Haddii La Weyneeyo Maalinta 26 Jun

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka Amnig Somaliland  Jaamac Cabdilaahi Biime iyo xildhibaanno golaha wakiilada ugu  jira xisbiga Kulmiye  ayaa sheegay in ay   xubinimada xisbiga Kulmiye ka bixi doonaan  haddii  la hirgeliyo qodobo lagu daraayo buugga cusub ee siyaasadda Xisbiga Kulmiye ee doorashada ku geli doono, kuwaasi oo dhigaaya in  26 Jun  oo ah maalintii  Soomaalida Waqooyi xornimada ka qaadatay dalkii Ingiriiska ay  ka mudan tahay  in lagu bedelo halka maanta Somaliland laga xuso 18 May oo iyaduna ah markii Somaliland sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale .

Wasiir ku xigeenka Amniga Biime ayaa arrintaasi ku tilmaamay inay niyad jab iyo dastuur jabin ku tahay Somaliland iyo shacabkeedaba waxaanu yiri “ Anigu  haddii qodobadaasi hir galaan oo lagu daro dastuurka  waxaan sheegayaa inana xilkana ka tagaayo  xubinimada xisbiga Kulmiyena aan ka tanaasulayo haddii 26 June laga dhigo halka ay maanta  inoogu jirto 18 May, sababta oo ah waa khiyaamo lagu samaynayo  waxii dalkan iyo dadkani ku heshiiyeen “.

Wasiirkan ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga uu ka tirsanyahay  wadatashi kala samaynin shacabka iyo xubnihiisa qaar oo uu isaguna ka mid yahay “ arrintan waxay u baahan tahay talogalin iyo in la arko siday dadku u jecelyihiin 18 May  mana arko sabab loo bedeli karo “ ayuu yiri Mr Biime.

Dhinaca kale laba xildhibaan oo xisbiga Kulmiye ugu jira baarlamaanka ayaa dood tan wasiir ku xigeenka oo kale qaba iyaguna waxayna leeyihiin in 18 May ay tahay maalinta dunida loo bandhigo inay Somaliland ka go’day Soomaali inteeda kale sidaasi darteedna 25 sanno ka dib in maanta la yiraahdo dib  ayaan uga noqonay ay keenayso niyad jab ku yimaadda dadaalkii aqoonsi raadinta loogu jiray.

Dooda  ah in 26 June loo aqoonsado maalinta qaran ee Somaliland ayaa bilaabatay  markii xubno uu Pro. Axmed Ismaaciil Samatar uu hormuud ka yahay  ay Jaamacadaha iyo fagaare-yaasha lagu kulmo ka bilaabeen soo jeedin ah inaan beelaha Somaliland degaa ayna isku wada raacsanayn qiimaha 18 May u leedahay Somaliland madaama ay ka dhalatay 18 May dagaalkii Jabhaddii SNM ay la gashay dawladdii Maxamed Siyaad Barre Jabhadana  aanay beeluhu aaney u wada dhameyn balse 26  June ay tahay maalintii calanka xornimada laga taagay dhulkii uu  Ingiriisku haystay, taana ay tahay midda kaliya ee la isku wada raacsan yahay .

Dooddan ah  in qiimaha 18 May hoos loo dhigo ayaa sii xoogaysatay kadib markii Pro Samatar uu ku biiray isaga oo fikirkan aamnisan Xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland hadda gacanta ku haya.

Somaliland oo xusaysay  18  May 25 sanno ee la soo dhaafay ayaa Shantii sanno ee ugu dambeeysay waxa iyadana baal socotay mudaharaadyo ka dhan  ah oo deegaanada Sool ka jiray, iyadoo deegaanadaas looga aqoonsaday  maalinta Nadaafada iyo qashin ururinta. Sidoo kale mudaharaaddo lagaga soo horjeedo 18 May ayaa dhawr mar ka dhacay deegaanno Gobolka Awdal ka tirsan .

Goobjoog News