U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Kenyaan Ah oo Ka Qeybgalaya Caleemo Saarka Axmed Madoobe

Sheeko:Amniga

Aden Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda xisbiga talada haya ee Jubilee iyo xildhibaanno kale oo dalka Kenaya ah ayaa goordhow soo saaray magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Wafdigan waxaa garoon Sayidka ku soo dhoweeyey madaxweynaha la doortay ee Jubbaland mudane Axmed Madoobe.

Galabta ayaa lagu wadaa in magaladaasi lagu qabto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Jubbaland, waxaana jooga madax ka socota dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo xisbiyada.

Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo adkeeyey, waxaana munaasabadan ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Axmed, madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaanno Labada aqal, hoggaamiyeyaasha xisbiyo siyaasadeed iyo mas’uuliyiin kale.