U bood dhigaalka

Mas’uuliyiinta DFS Oo Laga Mamnuucay Deegaannada Puntland

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa goor dhow sheegay in deegaannada maamulkaasi laga mamnuucay mas’uuliyiinta dowladda federaalka sida wasiirada, agaasimayaasha, saraakiisha ciidamada iyo howlwadeennada Villa Soomaaliya inta ay socoto doorashada Puntland iyo isku diyaarinteeda.

Go’aankan waxaa kaloo ku jira in mudada doorashada aan Puntland lasoo gelin karin lacag kaash ah, islamarkaana lacagtii la qabto lala wareegi doono.

Qodobada hoos ka akhriso:

1 – in cid aan aheyn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland mudada doorashadu socoto.

2 – inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay iney soo galaan shaqalaha DFS Sida Wasiirada, Agaasimayaasha,Saraakiisha Ciidamada iyo howl wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya.

3 – inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan Garoomada Diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gal Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa

4 – in diyaaradaha imanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo Degin Garoomada Puntland.

5 – si loo sugo amaanka xiliga Doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland

6 inaan wax agab Ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland.

7 inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal usan ogeyn.

 

Goobjoog News