U bood dhigaalka

Mas’uuliyiinta Ugu Sarreysa JFS oo Dareen Farxad leh Uga Falceliyay Go’aankii Makamadda ICJ ee Dacwaddii Badda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxda ugu sarreysa Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa dareen farxadeed ka muujiyay go’aankii maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay ku gaartay in la furo kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxwayanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ay gaartay uu yahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwayne Xasan ayaa sheegay in kalsooni ay ku qabaan in biyaha la isku heysto ay Soomaaliya  leedahay, waxaana uu sheegay ineysan marnaba ka tanaasuli doonin Soomaaliya iney hantideeda difaacato.

“Waxaa maanta dib u soo noqday biyaha Soomaaliya qeybtii ka maqneyd ee baryahan oo dhan shakigu ku jiray, inaan leenahay iyo inaanan lahayn, maxkamaddu waxay xukuntay iney qaadi karto dacwaddaas ku saabsan biyaha badda Soomaaliya”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhanka kale, Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ka hadlay dhiniciisa sida uu u arko guusha dacwaddan, waxaanuu yiri:

“Waxaan ku kalsooneyn in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso dacwaddan, waxaan aragnaa natiijada dadaalka xukuumadaha ku meel gaarka iyo xukuumadda hadda jirta ay ugu jireen difaaca xuduudaheenna. Waa dadaal isku dhaf ah oo loo galay difaaca israacsanaanta dhulkeena,” ayuu yiri Ra’isul wasaare Cumar.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa isna ka hadlay dareenkiisa, waxa uuna yiri:

“Farxad weyn bey ii tahay in aan maqlo in ICJ aqbashay dooddii Somaliya ku dacwootay in Maxkamaddu qaaddo dacwadda ku saabasan muranka badda ee inaga la dhaxeeya Kenya. Waa guul taariikhi ah waxaanan Illaahay ka baryeynaa in uu inagu guuleeyo dacwaddan. Waxa aan shacbiga ku boorinayaa in ay sii wadaan midnamadii ay muujiyeen inti ay dacwaddu socotay oo runtii aad ii qiiro gelisay”.

Go’aankan ayaa dhabar jab weyn ku ah dowladda Kenya oo geed dheer iyo mid gaabanba u kortay si dacwaddan aan looga furin kiiskeeda maxkamadda calaamiga ah ee ICJ oo hadda go’aansatay iney galka dacwaddan furto.

Goobjoog News