U bood dhigaalka

Mas’uuliyiintii Ay Kenya u Diiday Iney Galaan Dalkeeda Oo Kusoo Noqday Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib loogu soo celiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo habeenkii xalay ahaa ku  hoyday garoonka diyaaradaha ee Jomma Kenyatta kadib markii loo diiday iney gudaha u galaan magaalada Nairobi ee Kenya.

Xubnaha maanta dib ugu soo noqday Muqdisho waxaa a mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo biyaha Cismaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Daahir, iyaga oo garoonka Jooma ku xanbnaa in ka badan 15 saac.

Goobjoog ayaa xiriir la sameysay qaar ka mid ah mas’uuliyiintan si aan faah faahin badan uga helno sababta loo soo celiyey, hase ahaatee waa inoo suurtageli weysay.

Mas’uuliyiintan ayaa sababta ay Kenya u aadeeyn ahayd in halkaasi uga qeybgalaan shir ka furmi lahaa magaalada Nairobi, kaasi oo ay isugu imaanayeen midowga Yurub, Midowga Africa, Qaramada Midoobay iyo dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaan ka hadli arrintan kadib markii ay dowladd Kenya iska indho tirtay Baasaboorka diblomaasiga ah ee ay wateen mas’uuliyiintan.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhanka xuduudda Badda ah, iyadoo dowladda Kenya isku dayeeyso Boobka qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Goobjoog News