U bood dhigaalka

Mas’uuliyiintii Ku Dhaawacmay Qaraxii Baardheere Oo La Keenay Muqdisho Iyo Baydhabo

Sheeko:Dalka

9 qof oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa loo soo qaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo kadib markii ay ku dhaawacmeen qarax habeen kahor ka dhacay degmadaasi.

Macallin Xuseen oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada maamulka degmada Baardheere oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka ay aad u daran tahay xaaladooda loo soo gudbiyey Muqdisho halka kuwa kalena lagu dabiibayo Baydhabo.

“Diyaarad baa Baardheere kasoo qaadday dhammaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii habeen hore ka dhacay magaalada, Baydhabo ayeey marka hore diyaaradda ka degtay inta xaaladooda roontahay baa la dhigay, kuwa kalena isbitaalka Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa lagu daweynayaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

9-ka ruux ee ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Baardheere ayaa isugu jira mas’uuliyiin, ciidan iyo saraakiil intaba.

Xaaladda guud ee degmada Baardheere waa mid deggan, hase yeeshee degmada ayaa muddooyinkii dambe noqotay mid martigelisa faalalka amni darri.

Goobjoog News