U bood dhigaalka

Matabaan: Labo Mashruuc Oo Muhiim Ah Ayaa La Dhagax Dhigay

Sheeko:Dalka

Dowled gobaleedyada Galmudud iyo Hirshabeelle , ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay mashruuc lagu horumarinayo degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan, ayna ka faa’ideysan doonaan bulshada ku dhaqan.

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo guriyeenta ee Hirshabeelle Cabdi raxmaan Cabdi Iidoow, gudoomiyaha dagmada Mataan Xuseen Salaad Ibraahim iyo xubno kale, ayaa ka dhagax dhigay laba mashruuc oo laga hirgalin doono degmada Matabaan.

Mashaariicda ayaa mid ka mid ah waxaa lagu dhisayaa  suuqa degmada oo si casri ah loo dhisi doono, kaas oo bulshada deegaanka ay waxbadan ku soo kordhin doona ganacsigooda, ayaga oo helaya suuq waasac ah.

Sidoo kale mashruuca 2aad ayaa magaalada waxaa looga higalinayaa Leyrarka  cadceeda ku shaqeeyo, kaas oo ay bulshadu ka faa’idaysan doonaan xiliyada habeenkii ah.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Xuseen salaad Ibraahim, oo goobta dhax dhigga ka hadlay  ayaa xusay in mashaariicdaan ay bulshada deegaanka ay ka caawineyso dhinacyada waxbarashada iyo ganacsiga, waxa uuna intaas ku daray in mashruucaan ay fulin doonto hay’adda IOM.

“ Mashruucaan waxa ayaa naga kaalmey doonaana dhinacyada waxbarashada iyo ganacsiga  xilliga habeenkii ah, oo bulshadu ay dhib badan ay ku qabtay, sidoo kale waxaan rajeynaynaa inuu naga caawiyo amniga sugitaankiisa oo kaalin muhiim ah uu ka qaadan doono, mashaariic  badan ayaa deegaanka u soo socoto, waxaan rabaa inaan halkaan uga mahad celiyo heya’adda IOM oo ayadu mashruucaan gacanta ku hayso”

Sidoo kale wasiir ku xigeenka howlaha guud ee Hirshabeelle Cabdi raxmaan Abdi Iidoow, ayaa xusay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo horumarinta deegmada Matabaan,

“ Mashaariic badan ayaan rajaynaynaa in la dhagax dhigidoono, oo ay ugu horeeyaan Iskulladii, xarumahii caafimaadka iyo qeybo kale oo kala duwan, annaga ka wasaarad ahaan howlaha guud iyo guriyeenta dowled gobaleedka Hirshabeele, habeen iyo maalin waxaan u taagnaan doonaa in Matabaan ay ka dabatagto degmooyinka kale ee gobalka Hiiraan”

Dhanka kale madaxa xukumadda dowled gobaleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa kula dardaarmay bulshada degmada Matabaan ilaalinta xarumaha danta guud ee laga hirgalinnayo degmada loona baahan yahay in sifiican looga faaiideysto,

“ Degmadaan maadaama ay tahay degmo qadiimi ah oo dagmooyinkii ugu horeeyay ee dalka ay ka mid tahay waa in ay noqotaa degmada hadana horumarka ugu horeysa”

Degmada Matabaan ayaa ah dagmo ka mid degmooyinka ugu qadiimisan dalka, ayaa hadda waxa ay higsanaysaa horumar dhanka bulshada ah ayadoo bulshada deegaankana ay aaad u soo  dhaweeyeen mashaariicdaan lagu hormarinayo degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Goobjoog News