U bood dhigaalka

Maxaa Dhacay Bisha Juun Ciyaaraha Soomaaliya?

Sheeko:Cayaaraha

01-Juun 2019-Guddoomiyaha Kooxda kubbadda cagta Horseed DR Maxamed Axmed Maxamed ayaa kulan la qaatay Ciyaartooyda,Macalamiinta iyo shaqaalaha kooxda,isagoo ugu Mahad celiyay horomarka ay kooxdiisa samaysay labadii sano lasoo dhaafay.

02-Juun 2019-Tababaraha Kooxda Horseed Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa sheegay in ay soo laabtay haybadii lagu yeeqeenayay kooxda Ciidanka xooga ee Horseed,isagoo qeexay in uu haysto ciyaartood da’yar ah oo kaalin wanaagsan ka qaadan kara ku guulaysiga hanashada tartamadda kubbadda cagta gudaha sanadaha soo aadan.

03-Juun 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada maamulka Galmudug Bashiir Maxamed Aw Cali ayaa isku duwaha gobolka Galgaduud ee wasaarada ciyaaraha u magacaabay Cali Mahad oo ka mid ah dhallinyarada fir fircoon ee Galmudug.


04-Juun 2019-Xoghayaha naadiga Muqdisho City Club Maxamed Cumar Xaashi iyo guddoomiyaha taageerayaasha kooxda Axmed Salaad Dhiblaawe ayaa kulan la qaatay taageerayaasha kala duwan ee kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City waxaana kulankaas lagu gorfeeyay mideenta isku xirka maamulka,Ciyaartooyda iyo taageerayaasha Muqdisho City Club. 

05-Juun 2019-Madaxda xiriirka kubbadda cagta ee kala Cabdiqani Saciid Carab,Cali Cabdi Maxamed iyo DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa waddanka Faransiiska ugu qeybgalay shirka istaraajiyada iyo horomarinta kubbadda cagta iyo dib u doorashada guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta calaamka Ginao Infantino oo markale loo doortay hogaaminta xiriirka kubbadda cagta ee FIFA.


06-Juun-2019-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa soo dhaweeyay ka qeybgalka tartanka kooxaha Afrika ee Caf Confedaration,waxayna sheegeen in ay guulo lagu farxo usoo hooydoono dalka markii ay ka qeybgalaan.


07-Juun 2019-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed Cabdi (Cali Shiine) ayaa wadanka Faransiiska kula kulmay macallin Fabio Capello,Michael Essien iyo Ricardo Santos Leite Kaka waxayna ka wada hadleyn arimo badan oo ku aadan kobac iyo horomarka kubbadda cagta .


08-Juun 2019-Shir sanadeedka maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay caasimada Muqdisho waxaana ka qeyb galay madaxda gobolka Banaadir,wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyaradda dowladda iyo guddoomiyaasha isboortiga degmooyinka Gobolka waxaan lagu soo bandhigay wixii qabsoomay 2018 iyo waxyaalaha la doonayo in la qabto sanada 2019.

09-Juun 2019-Guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa amaanay da’daalka ay muujiyeen ciyaartoyda kooxdiisa labadii sano lasoo dhaafay,isagoo sheegay in ay maamul ahaan ay raali ka yihiin wax qabadka xidigahooda


10-Juun 2016-Wasiirka wasaaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Oradyahan Cabdullahi Jaamac Maxamad oo ku guuleystay Bilad Dahab ah.


11-Juun 2019-Ciyaaryahan Anas Aadan Maxamed oo ka mid ah oo da’yarta Soomaaliyeed ee ciyaara kubbadda cagta kuna sugan dalka Austria ayaa ku guulaystay koobka klasse zillertal wuxuuna laacibkan ku haminayaa in guul waaweyn ka gaaro xirfadda kubbadda cagta.


12-Juun 2019-Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanadii wadanka u soo hooyay guulaha kuwaas oo tataramo kala duwan kaga qeyb galay yurub iyo Afrika.


Munaasabaddan ayaa waxaa lagu abaalmariyay oradyahanada kala ah Cabdullaahi Jaamac Maxamed, Cabdisalaam Maxamed Axmed iyo Cabdi Daa’uud Rooble oo kaalmaha hore ka galay tartarmo kala gedisan oo ka dhacay wadamada Jubuuti iyo Rwanda.

13-Juun 2019-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Awow Shiikh Suufi ayaa magaalada Baydhabo ka furay tartanka ururuka kubbadda cagta Koonfur Galbeed ee (South West State Super League) waxaana tartankan ka qeybgalay ilaa 8-koox oo u diiwaangashan xiririka kubbadda cagta Koonfur Galbeed waxaana qabsoomada iyo abaabulka howshan door wacan ka ciyaaray waxaada horomarinta maamul goboleedyada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.


13-Juun 2019-Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti iyo iyo guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish ayaa soo xeray tartanka u socday caruurta agoonta Ciidanka booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed,maamulka Gobolka ayaa caruurta ciidanka booliska iyo kuwa Asluubta ee tartanka ka qayb galay ku abaalmariyay abaalmarino laacaged.


14-Juun 2019-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdirahman Cumar Cusmaan ( Injineer Yariisoow) ayaa soo xeray tartanka kubbadda Cagta oo ka socday degmada Kaaraan waxaana koobkan ka guulaytsay kooxda kubbadda Cagta Jabuuti oo ka dhisan degmada Kaaraan.

15-Juun 2019-Daadir Amiin Cali Raage ayaa kooxdiisa Elman u dhaliyay goolkiisii u horeeyay tan iyo markii uu kusoo biiray 17-November 2018 wuxuuna gool laad ama (Free Kick) ,isagoo ka dhaliyay kooxda Dekedda,xili Elman ay 2-0 kaga badisay Dekedda.


16-Juun 2019­-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo ka shaanaya waxyaaalaha kala duwan ee naadiga ayaa sanadkii labaad hindisay mashruuca dhisida da’yarta kubbadda cagta kuwaas oo loo diyaarinayo ka mid noqashada horomarka kooxda iyo sidoo kale in ay ka faa’deestaan naadiyada ka dhisan dalka iyo xulka qaranka.


17-Juun 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland,agaasimaha wasaarada iyo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland Maxamed Cali Ciise (Ciiro) ayaa Degmada Boocame ee Gobolka Sool kusoo xeray koobka u socday kooxaha horyaalka heerka 1aad ee demada Boocame ee gobolka Sool


18-Juun 2019-Guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Elman Cabdirisaaq Faarax (Garooje) ayaa bogaadiyay isku xir wanaagsan ay ciyaartooyda kooxdiisa muujiyeen dib ay usoo celiyeen hanaanka kooxda ka dib markii ay ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee horyaalka Somalia Preimie League 2018-2019.


19-Juun 2019-Kooxda Heegan ayaa la shaaciyay in ay ka qeyb galayso koobka bariga iyo bartamaha Afrika waan markii 2aad ay ka qeybgalayso mudo dhan afar sano gudahooda,maadaama kooxdan sanadkii 2015 ay ku guulaystay horyaalka Soomaalia Premier League.


20-Juun 2019-Kooxaha kubadda cagta Horseed iyo Dekedda oo ku loolamayay hanashada horyaalka Somalia Premier Legue 2018-2019 ayaa kulankoodii 2aad ee xili ciyaareedka ku kala baxay barbaro 1-1,balse kulankaa waxaa loo diiwaan geliyay kulankii ugu taageeraha badnaa horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2018-2019.


21-Juun 2019-Gudoomiye ku Xigenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadale iyo guddoomiyaha isboortiga gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish ayaa ka furay tartan kubada Cagta oo loo qabanayo 6da waxood oo ka tirsan waxyaha Degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.


20-Juun 2019-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng.Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan( oo ay wehliyaan madaxda Gobolka Banadir ayaa degmada Boondheere kusoo xeray tartan u socday dhallinyarada degmada,guddoomiye Yariisow ayaa bogaadiyay is-dhaxgalka bulshada ay wadaan madaxda ciyaaraha degmooyinka.


22-Juun 2019-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo wasiirka ciyaaraha dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dhagax-dhigay dhismaha Wadada u dhaxeysa Isgoysyada Cali Kamiin & Ifka Xalane ee Magaalada Muqdisho.Wadadaas oo kala kala tirsan Wadooyinka Warshadaha iyo Soddonka ayaa hormarta Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho


23-Juun 2019-Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani iyo Xiriirayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga iyo Hey’adaha Caalamiga Injineer Baana Cabdalla Cali ayaa ka qeyb galay Shiweynihi 17-aad ee Xiriirka kubadda Koleyga qaaradda Afrika kaasoo lagu dooranaya hogaanka cusub ee kubadda Koleyga Qaaradda Afrika ee afarta sano ee soo socota iyo hogaamiyaasha heer Zone ee qaaradda kaasoo ka dhacay dalka Mali.

24-Juun 2019-Caadil Nuur Cali ayaa guul ugu horeeyay horyaalka Somalia Premier League u dhaliyay kooxdiisa Dekedda,isagoo kaga soo biiray naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club.


25-Juun 2019-Gudoomiyaha isportiga Gobolka Benadir Xasan Aadan Xaaj Yabarow ayaa kormeeray garoonka qoob dooro ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir Kormeerkaan oo ahaa mid uu ugu kuur galaaya habsami u socodka iyo dayactirka ka socda garoonka kormeerkaan oo qeyb ka ah hormarka sportiga iyo dib u soo noleynta Garoomadi burburay.


26-Juun 2019-Kooxda Kubbadda Cagta L.L.P Jeenyo ayaa u laabtay horyaalka heerka 2aad ee (Division 1),ka dib markii ay ku dhameestay kaalinta 10-aad ee kala horeynta horyaalka Somalia Premier League 2018-2019.


27-Juun 2019-Cayaarahanka Liverpool, ee kasoo jeeda dalkeena Cabdi Shariif, ayaa kooxda England u saxiixay qanadaraaskii ugu horeeyay,ee heerka kooxda waaweyn,ka dib markii uu Liverpool tababar la bilaaway,isagoo jira 6-sano iminkana waxaa loo arkaa mid wax badan kusoo kordhin kara kooxda Reds.


28-Juun 2019-Feysal Axmed Xasan oo ka tirsan kooxda dowladda ee Muqdisho City Club ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay horyaalka Somalia Premier League,xidigan ayaa ka ka mid ahaa dhallinyaradii dalka usoo gaaray ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada.


29-Juun 2019-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xirirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa guul u rajeeyay kooxaha kala ah Heegan,Dekedda,Muqdisho City Club iyo Horseed oo sanadkan ka qeyb galay tartamada kala duwan ee qaarada Afrika,Dekedda ayaa ka qeybgalaysa Caf Champains League,Muqdisho City Club ayaa iyadana ka qeyb galaysa Caf Confederation,Heegan ayaa qeyb ka ah tartanka Cecafa,halka xidigaha,Horseed ay iyagana ka qeybgalayaan tartanka Jamaacatul Carabta waana mudo dheer ka dib afar koox ay safaro u aadan dibadda.


30-Juun 2019-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday garoonka kubbadda Cagta Dhuusamareeb,Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la jimicsaday dhallinyarada garoonka ku qaadanaysay tababar wuxuuna dhallinyarada ciyaaraha ee dhuusamareeb u sheegay in ay dowladda dib u dayactir ku samaynsano garoomada kubbadda cagta dhuusamareeb,si ay dhallinyarada ay xirfadooda ugu soo bandhigaan goobo casri ah.

Halkan Ka Daawo Warbixinta Dhacdooyinka Bisha Juun 2019 Oo Muuqaal Ah

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2415594398687624/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email-qalinle39@gmail.com