U bood dhigaalka

Maxaa Dhacaya Marka Aad Computer-ka U Damiso Hab Aan Sax Ahayn?

Kulligeen waan naqaannaa wadada ugu habboon ee computer-ka loo damiyo, ha noqdo mid desktop ah ama laptop ah, si fudud waxaad ku tagaysa Start> kadib waxaad dooraneysaa shut down oo dhanka midig ee hoose aad ka arkayso, waa marka computer-kaagu ku shaqeeyo nidaamka Windows.

Laakiin aan runta isku sheegnee, wadada saxda ah ma wada raacnaa mise waddooyin kale oo ka fudud ayaan tiigsanaa, si aan waqtiga u soo gaabsanno?. Waxaan ognahay in dadbadan ay dhanka badhanka kore ka damiyaan ama ay xarigga korontada lugta ku siibaan.

Hadaba, hubaal waxaa jira sabab lagu qanci karo oo kugu khasbaysa inaad computer-ka si sax ah u damiso, waa marka aad dooneyso inaad ilaashato xogtaada gaarka ah ee aad waqtiga badan gelisay.

Inta aadan computer-ka damin waxaa jiray xog aad ka shaqeynaysay oo aad waqti gelisay, waxaa dhici karta inaa mararka qaar illowdo inaad save-gareyso oo aad kaydiso, marka aad si sax ah computer-ka u damiso xogtii ayuu dib kuu xasuusinayaa waxa uuna ku waydiinayaan inaad kaydin u rabto iyo in kale, haddiise waddooyinka kale ee khaldan aad raacdo waxwalba way kaa lumayaan.

Dhanka kale, cajaladda computer-ka uu ku shaqeeyo si degdeg ah ayay u xumaataa, maxaa yeelay; marka computer-ka si caadi ah loo damiyo, waxay u joogsaneysaa sidiii loogu talagalay, laakiin marka si lama filaan ah loo damiyo waxaa hubaal ah iney xumaaneyso oo ay is-ruugayso illeen waa xaalad aaney la qabsan.

Waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso muddo ayaan computerka sidaad doonto u daminayay ilaa hadana wax dhibaato ah kuma hayo, waa sax arrintaasi way dhici kartaa, laakiin waxaad ogaataa, xilli dhow iyo xilli dheer waxaa hubaal ah in computer-kaagu uu xumaanayo.

haddii aad u baqayso xogtaada gaar ka ah, computer-kana aad u naxayso waxaa habaal ah inaad u damineyso sida saxda ah, waqti badan kaama qaadaneyso, haddii kale waxaad naftaada u horseedaysaa mashaakil aad ka baaqsan karto.

Goobjoog News