U bood dhigaalka

Maxaa Doorashada Dib U Dhigay?!

Sheeko:Dalka

Doorashada in ay dib uga dhacday xilligii lagu ballamay arrinkaas muran ka ma jiro, weliba waxaa raalli ka ah haatan dowladda federaalka ah, maamul goboleedka iyo beesha caalamka!

Siyaasiyiin, aqoon yahan iyo Xildhibaanno aan la hadalnay dacwo ayey ka qabaan dib u dhaca doorashada, laakin rajo kama qabaan in wax laga qabto, waxaa muuqata in beesha caalamka oo hormuud ka ah hiigsiga 2016-ka ay ku qanacsan tahay doorashada in la soo gabagabeeyo 31 December 2016-ka wixii ka horeeya!

Qaar ka tirsan guddiyada hirgelinta doorasho ee dowlad goboleedyada dalka oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay sheegeen in shaqadooda aanay diyaar ahayn, qaarkood ma dhameys tirna magacaabistooda, qaar kale weli waa magac u yaal oo ma kulmin halka dhamaantood ay ka siman yihiin sharciyadii, xeer hoosaadkii iyo xitaa goobihii ay ku shaqeynayaan aaney diyaar aheyn.

Zakariye Maxamud Xaaji, guddoomiyaha xisbiga Ummah, waxaa uu qabaa in umadda aaney raalli ka aheyn dib u dhaca doorashadadalka, dib u dhacana waxaa uu ku sheegay waqti dheereysi ay waddo dowladda Xasan Sheekh isagoo intaa raaciyay in horay ugu guul-dareysatay dowladda doorasho qof iyo codkii ah hadana ay muuqato dib u dhacday doorashadii dadbaneed.

Da’ud Cabdiqasim Salaad oo ah aqoon yahay Soomaaliyeed ayaa dhankiisa labo sabab ku sheegay sababta ay doorashada dib ugu dhacday, Salaad waxaa uu midda hore ku sheegay in dowladda aaney horay uga shaqeyn maareynta doorashadan, taasina ay tahay qorshe xumo mas’uuliyadeeda ay qaadaneyso dowladda.

Da’uud Salaad waxaa uu sababta labaad ku sheegay dhismo la’aanta maamulka Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, arrintaas oo dowladd ku eedeeyay in aaney kala  tashan dadka deegaanka isla markaana aaney tixgelin rabitaankooda iyo waxa ay doonayaan, isagoo hadalkiisa ku soo afjaray in haddii xitaa la dhiso maamul Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ah uu noqon doono mid gacan ku rimis ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo dhankiisa Goobjoog News uga warramay dib u dhaca doorashada, waxaa uu sheegay in Xildhibaannada ay noqdeen middi af-beeshay oo hadda aan lagala hadli karin dib u dhac ama soo hormarin wax doorashada 2016-ka ku saabsan, Dhalxa ayaa intaa raaciyay in awoodihii oo dhan ay gacanta u galeen madasha iyo madaxweynaha.

Waxaa kaloo jira sababo kale oo doorashada dib u dhigay, waxaa ka mid ah:

Lacag la’aan: Waxaa xaqiiq ah in aaney diyaarsanayn lacagtii doorashada lagu geli lahaa oo lagu sheegay ilaa 13 Milyan, lacagtaas oo weli inteeda badan aan ku soo dhicin gacanta dowladda.

Jadwalka Cusub Oo La sugayo: Hadda waxaa la wada sugayaa jadwal cusub oo ay soo wadaan guddiga hirgelinta doorasho heer federal, Jadwalkaas waxaa ku jira waqtiga si dhab ah dalka uga dhacayaan doorasho, sidaa waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay guddoomiyaha guddiga.

July waa dhammaad, doorashada sanadkan lama oga xilli ay bilaabaneyso, lama oga xitaa xilliga ay murashaxiinta Olole galayaan, waa doorasho micno beeshay inta aaney bilaaban!

W/D: Abdi Aziz Gurbiye, 

Goobjoog News,