U bood dhigaalka

Maxaa Isku Soo Beegay Booqashada Farmaajo iyo Dhismaha Ciidamada Badda Ee Itoobiya?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu berri oo jimco ah booqdo dalka Itoobiya isaga oo halkaas wadahadal ku leh ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaisas Afwerk.

Mas’uuliyiinta 3da ah ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan dardargginta heshiisyadi horay loo galay.

Dhinaca kale warbaahinta Itoobiya ayaa tabisay in Adis Ababa dhisan-doonto ciidamo badda ah oo saldhig ka sameysta badweynta Hindiya iyo badda cas.

General Berhanu Jula waxaa laga soo xigtay inuu dhahay waa in aan saameyn ku yeellano badda, isaga oo intaas raaciyey in dalal meel fog ka yimaadaan arrintaas darteed. Jula waxaa uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey inay yihiin 100 milyan isla markaana aaney macquul aheyn inay sii ahaadaan bad la’aan.

Goobjoog News